RASMI: Mourinho iyo Moyes oo hoggaaminaya liiska musharaxiinta abaal-marinta macallinka bisha November ee Premier League

(England) 04 Dis 2021. Waxaa la shaaciyey tababarayaasha u sharraxan abaal-marinta macalinka bishii November ugu fiicnaa ee horyaalka Premier League, waxaana ku tartamaya magacyada ilaa iyo afar macalin oo wacdaro ka dhigay horyaalka bishii la soo dhaafay.

Liiska waxaa  ku soo baxay magacyada macalimiin kooxahooda ay bandhig fiican sameeyeen inta lagu gudi jiray bishii November ee la soo dhaafay, kaddib markii ay guulo muhiim ah ka gaareen tartamada kala duwan ay qeybta ka yihiin.

Jose Mourinho, Ole Gunnar Solskjær, David Moyes & Frank Lampard ayaa loo magacaabay musharaxiinta abaal-marinta macalinka bishii November ugu fiicnaa horyaalka Premier League.

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close