Muxuu Mikel Arteta ka yiri ku soo laabashada taageerayaasha kooxda Arsenal ee taribuunka??

(London) 04 Dis 2021. Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ku soo laabashada taageerayaasha kooxda markale ee garoonka Emirates.

Kulankii xalay ku dhex maray kooxaha Arsenaal iyo Rapid Wien kulamada afaraad ee wareega group-yada tartanka UEFA Europa League ayaa ku soo dhamaaday 4-1 ay ku adkaatay Gunners.

Waxaa kulankan lagu arkay inay goobjoog ahaayeen ku dhawaad ilaa iyo laba kun oo taageereyaal ah oo ku soo laabtay tarabuunka, waxayna soo laabashadooda kaalin weyn ka qaadatay guushii weyneyd ay xalay kooxda gaartay.

Macalinka reer Spain ee Mikel Arteta ayaa ciyaarta kaddib u sheegay warbaahinta:

“Isboortiga gabi ahaanba wuu ka duwan yahay taageerayaal la’aan, waxaan halkan u joognaa si ay u raaxeystaan taageerayaasha.”

“Waxay sameeyeen saameyn weyn, xitaa haddii ay kaliya tiradoodu ahayd 2,000, waxay ahaayeen kuwa aad ugu fiican kooxda.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close