Madaxweynaha kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi oo ka hadlay wararka la xiriirinaya Lionel Messi

(Paris) 04 Dis 2021. Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan saxiixa kabtanka Barcelona ee Lionel Messi, inta lagu jiro xilli ciyaareedka soo socda.

Qandaraaska Messi ee kooxda Barcelona ayaa dhacaya bisha June ee soo socota, mana jiraan wali wax wada hadal ah ee u socda labada dhinac ee ku saabsan heshiis kordhinta.

Haddaba waxaa dhawaan jiray warar Lionel Messi la xiriirinayay kooxda reer France ee Paris Saint-Germain, si uu markale ugu garab ciyaaro saaxiibkiis Neymar Jr.

Laakiin sida lag soo xigtay barnaamijka “Chiringuito” ee dalka Spain Madaxweynaha kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“La soo saxiixashada Lionel Messi? Waa ciyaaryahan ka tirsan Barcelona, ma doonayo inaan ka hadlo arintan.”

Si kastaba ha noqotee, xiddiga reer Brazil ee Neymar jr ayaa sheegay kaddib ciyaartii ay guusha ka gaareen kooxda Manchester United:

Easier for Messi to go to PSG than Neymar back to Barcelona' – Brazilian's  advisor discusses transfer sagas | Goal.com

“Waxa aan aad u doonayo ayaa ah inaan ku raaxeysto mar kale la ciyaarida Messi.”

“Waxaan doonayaa inaan markale la ciyaaro Messi, waa inaan isku daynaa in taasi ay dhacdo sanadka soo socda.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close