Halyeey Arsenal ah oo kula taliyay Arteta inuu la soo saxiixdo xiddigg ka ciyaara Premier League

(London) 04 Dis 2021. Goolhaayihii hore kooxda kubadda cagta Arsenal ee David Seaman ayaa kula taliyay tababaraha haatan ee Gunners Mikel Arteta inuu la soo saxiixdo xiddiga Crystal Palace Wilfried Zaha.

David Seaman ayaa yiri, intii lagu gudajiray wareysi uu ku bixiyay idaacada “The Target Men”:

“Waxaan u maleynayaa in Zaha uu wax fiican ku soo kordhin karo Arsenal, sababtoo ah wuxuu cadeeyay awoodiisa gooldhalinta.”

“Ma aqaano sababta ka dambeysa ku guuldarreysiga heshiiskan gaarka ah, way cadahay inuu doonayo inuu yimaado kooxda.”

Arsenal urged to forget Wilfried Zaha and spend money on other transfer targets | Football | Sport | Express.co.uk

“Haddii ay yihiin wakiilo ama kooxaha aan aqbalin waxyaabaha qaarkood, xaqiiqdii sabab ayaa jirta.”

“Laakiin waa in la caddeeyo inuu doonayo inuu ku biiro kooxda, sababtoo ah wuxuu taageere u yahay Arsenal, wuxuuna wax fiican ku soo kordhin doonaa kooxda shaki la’aan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close