Ed Woodward oo go’aamiyay mustaqbalka Ole Gunnar Solskjær ee kooxda Manchester United

(Machester) 04 Dis 2021. Guddoomiye ku xigeenka fulinta Man United ee Ed Woodward ayaa si aan toos ahayn uga jawaabay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka tababaraha reer Norway ee Ole Gunnar Solskjær ee kooxda.

Hadalka Ed Woodward ayaa ahaa mid si weyn laabta ugu qaboojiyay tababare Ole Gunnar Solskjær, maadaama la filayo inuu muddo la sii joogo Red Devils, iyadoo suuqa xagaaga dambe kooxda si weyn loo taageeri doono.

Ed Woodward ayaa ku xaqiijiyay hadaladiisii kaddib wareysi uu bixiyay in uu jiro qorshe dib loogu habeynayo kooxda Manchester United oo ah mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn adduunka.

Ku xigeenka fulinta Man United ayaa carabka ku adkeeyay inay sidaas u sameyn doonaan si ay u taageeraan kooxda tababare Ole Gunnar Solskjær, iyada oo loo marayo qorshe muddo dheer ah oo diiradda lagu saarayo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Ed Woodward ayaa wareysiga uu bixiyay waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan sheegay bishii April ee la soo dhaafey waxaan naga go’an inaan xoojino kooxda waana inaan si anshax ah u qarash gareynaa, sababa la xiriira saameynata Korona Fayras.”

“Waxaana u maleynayaa inaan ku guuleysaney taas kaddib kordhinta aan ku sameynay liiska kooxda xagaagii, taasoo kor u qaaddey wadarta qarashkeena. in ka badan $ 240 milyan tan iyo xagaagii 2019, waana in ka badan koox kasta ee weyn oo Yurub ah muddadaas.”

“Waan sii wadi doonaa taageerida Ole Gunnar Solskjær si qoto dheer, waxana diirada saari doonaa samaynta heshiisyo kale inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.” Ayuu yiri Ed Woodward.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close