RASMI: Mid ka mid ah xiddigaha Kooxda Barcelona oo laga helay Korona Fayras

(Barcelona) 02 Dis 2020. Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa ku dhawaaqday in mid ka mid ah xiddigaheeda uu ku dhacay caabuqa Korona Fayras, sida ku cad baaritaankii ugu dambeeyay ee laacibku uu maray.

Barcelona ayaa xaqiijisay in laacibkeeda reer Spain ee Sergi Roberto uu ku dhacay Korona Fayras, kaddib markii sidaas lagu xaqiijiyay baaritaankii ugu dambeeyay ee laacibku uu maray.

Kooxda reer Catalona ayaa bayaan rasmi ah ay soo saartay waxay ku xaqiijisay:

Sergi Roberto, Covid-19 positive

“Ciyaaryahanku xaaladdiisa caafimaad way wanaagsan tahay wuxuuna karantiil ku galay gurigiisa.”

Si kastaba ha noqotee, Sergi Roberto oo 28 jir ah, ayaa ka soo kabanaya dhaawaca muruqa bowdada midig ee uu ku soo gaaray kulankii ay kula ciyaareen Atlético Madrid horyaalka La Liga, wuxuuna maqnaan doonaa muddo labo bilood ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close