RASMI: Cristiano Ronaldo oo ku guuleystay abaal-marin uusan weligiis ku guuleysan Lionel Messi

(Yurub) 02 Dis 2020. Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay abaal-marinta Cagta dahabka ah, taasoo uusan weligiis ku guuleysan Lionel Messi oo ay ku xafiiltamaan kubadda cagta.
Waa markii 18-aad oo abaal-marintan Cagta dahabka ah la bixiyo, waxaana markaan gacanta ku dhigay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, kaasoo ku garaacay Lionel Messi, Robert Lewandowski iyo Mohamed Salah.
Ciyaaryahanka ku guuleysanaya abaal-marintan waxaa go’aamiya guddi Suxufiyiin ah, iyagoo marka hore soo xula 10 laacib oo laga sii dhex-dooranayo kan ugu wanaagsan ee loo gacan gelin lahaa abaal-marintan.
Hal mar oo kaliya ayaa ciyaaryahanka la siiyaa abaal-marintan Cagta dahabka ah, waxaana xiddigaha ku tartamaya shuruuddooda ugu horreysa ay tahay inay da’doodu ka weyn tahay 28-sano.
Taasoo ah sababta ay Ronaldo iyo Messi ay ugu guuleysan waayeen waqtiyo badan oo ay ahaayeen kuwa kubadda cagta Adduunka ugu sarreeya.
Weeraryahanka Kooxda Juventus ee Ronaldo ayaana helay codad ka badan intii ay heleen sanadkan 2020, Messi, Lewandowski, xiddiga ay ka wada tirsan yihiin Bianconeri ee Giorgio Chiellini, Neymar, Sergio Ramos, Sergio Aguero, Gerard Pique, Mohamed Salah iyo laacibka khadka dhexe ee Inter Milan ee Arturo Vidal.
Ku guuleystaha Cagta Dahabka ah ee The Golden Foot ayaa abaal-marintiisan heli doona ama lagu guddoonsiin doonaa dhacdada horyaalnimada ee lagu qabanayo Magaalada Monaco.
Haddaba halkaan hoose ka eeg 18-ka laacib ee illaa iyo hadda ku guuleysatay abaal-marintan Cagta dahabka ah ee Golden Foot:-
2003 – Roberto Baggio
2004 – Pavel Nedved
2005 – Andriy Shevchenko
2006 – Ronaldo Nazario
2007 – Alessandro del Piero
2008 – Roberto Carlos
2009 – Ronaldinho
2010 – Francesco Totti
2011 – Ryan Giggs
2012 – Zlatan Ibrahimovic
2013 – Didier Drogba
2014 – Andres Iniesta
2015 – Samuel Eto’o
2016 – Gianluigi Buffon
2017 – Iker Casillas
2018 – Edinson Cavani
2019 – Luka Modric
2020 – Cristiano Ronaldo
Gool FM.