Man United, Tottenham & Chelsea oo bartilmaameedsanaya xiddig ka ciyaara horyaalka Premier League

(England) 02 Dis 2020. Kooxaha Manchester United, Tottenham iyo Chelsea ayaa la soo warinayaa inay bartilmaameed ka dhiganayaan xiddig ka ciyaara horyaalka Premeir League sida warbixinnadu ay tilmaamayaan.

Shabakadda Sky Sports ayaa warinaya in Kooxaha Manchester United, Tottenham iyo Chelsea ay ku raad joogaan daafaca Naadiga Brighton ee Ben White.

Dhammaan saddexdan kooxood ayaa raadinaya xiddigan 23-sano jirka ah, kaasoo la la xiriirinayay Liverpool horraantii sanadkan, ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xiddigaha ee bishii Janaayo.

Brighton's Ben White wanted by Manchester United, Tottenham and Chelsea - Football Ace

Ben White ayaa ciyaaray dhammaan tobankii kulan oo ay Kooxda Brighton ciyaartay horyaalka Premier League bilowga xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close