Labo difaac oo ka kala tirsan Kooxaha Arsenal iyo Chelsea oo ku biiray liiska xiddigaha ay suuqa ka doonayso Barcelona

(Barcelona) 02 Dis 2020. Sida wararku ay tilmaamayaan labo daafac oo ka kala tirsan Kooxaha reer London ee Arsenal iyo Chelsea ayaa ku biiray liiska xiddigaha ay naadiga Barcelona ka doonayso suuqa kala iibsiga.

Kooxda The Catalan ayaa u baahan xiddigo ka caawiya booska daafaca dambe oo ay dhibaato ka dareemeysay muddooyinkii dambe.

Jariiradda Mundo Deportivo ayaa warinaysa in Shkodran Mustafi iyo Antonio Rudiger ayaa ka mid ah xulashooyinka ay Barcelona ka fiirsaneyso inay u xoojiso daafaceeda.

Inkastoo Eric Garcia oo Manchester City ka tirsan uu weli yahay bartilmaameedka ugu weyn ee Barca, haddana kooxda ayaa isha ku haysa labada daafac ee ka kala tirsan Kooxaha Arsenal iyo Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close