UEFA oo ku dhawaaqday 50 ciyaaryahan ee u sharraxan Kooxda Sanadka… (Yaa kaga jira Kooxdaada?)

(Yurub) 01 Dis 2021. Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee (UEFA) ayaa soo saaray liiska musharixiinta u tartamaya ka mid noqoshada kooxda sanadka 2020 ee Yurub.

Waxaa liiska xiddigaha ku soo baxay ka mid ah xiddiga reer Masar iyo kooxda kubadda cagta Liverpool ee Mohamed Salah, iyo sidoo kale kabtanka kooxda Barcelona iyo xulka Argantina ee Lionel Messi.

Real Madrid ayaa liiska xiddigahan ku yeelatay kaliya hal ciyaaryahan, waana Sergio Ramos, si la mid ah Barcelona waxaa liiskan ugu jira Lionel Messi, taasoo muujineysa hoos u dhaca labada koox reer Spain ee heerka Yurub.

Liiska waxaa ka mid ahaa Mohamed Salah, Kevin De Bruyne, Robert Lewandowski, Joshua Kimmich, Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Neymar Jr, Harry Kane, Sergio Ramos, Virgil van Dijk, iyo kuwa kale.

Kooxda Bayern Munich ayaa liiskan xiddigaha ugu badnayd ku yeelatay, maadaama laga war qabo inay ku guuleysatay 5 koob sanadkan uu ka mid yahay tartanka UEFA Champions League.
Haddaba halkan hoose kaga bogo liistada musharixiinta oo dhameystiran:

Goolhaayayaasha: Anthony Lopes (Lyon), Keylor Navas (PSG), Manuel Neuer (Bayern Munich), Alisson (Liverpool), Jan Oblak (Atletico Madrid)

Daafacyada: Hans Hateboer (Atalanta), Joshua Kimmich (Bayern Munich), Presnel Kimpembe (PSG), Sergio Ramos (Real Madrid), Andy Robertson (Liverpool), Thiago Silva (Chelsea), David Alaba (Bayern Munich), Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Angelino (RB Leipzig), Juan Bernat (PSG), Alphonso Davies (Bayern Munich), Matthijs De Ligt (Juventus), Stefan de Vrij (Inter Milan)

Khadka Dhexda: Nicolo Barella (Inter Milan), Kingsley Coman (Bayern Munich), Kevin De Bruyne (Manchester City), Bruno Fernandes (Manchester United), Alejandro Gomez (Atalanta), Leon Goretzka (Bayern Munich), Kai Havertz (Chelsea), Jordan Henderson (Liverpool), Thiago Alcantara (Liverpool), Houssem Aouar (Lyon), Ever Banega (Sevilla), Josip Ilicic (Atalanta), Marquinhos (PSG), Thomas Muller (Bayern Munich), Marcel Sabitzer (RB Leipzig)

WeerarkaRobert Lewandowski (Bayern Munich), Cristiano Ronaldo (Juventus), Lionel Messi (Barcelona), Neymar (PSG), Mohamed Salah (Liverpool), Raheem Sterling (Manchester City)., Erling Haaland (Borussia Dortmund), Joao Felix (Atletico Madrid), Angel Di Maria (PSG), Serge Gnabry (Bayern Munich), Ciro Immobile (Lazio), Harry Kane (Tottenham), Romelu Lukaku (Inter Milan), Sadio Mane (Liverpool), Kylian Mbappe (PSG).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close