Kooxda Real Madrid oo heshiis is-dhaafsi Xiddigo waa weyn ah u bandhigaysa Paris Saint-Germain

(Madrid) 01 Dis 2021. Waxay u muuqataa in Real Madrid ay lumisay rajadii ay ka qabtay laacibka reer Belguim ee Eden Hazard, kaasoo ay hareeyeen dhaawacyo tan iyo markii uu kooxda boqortooyada kaga soo biiray Chelsea xagaagii 2018.

Eden Hazard ayaa markale dhaawacmay wuxuuna awoodi waayey inuu dhameysto kulankii horyaalka La Liga ay wada ciyaareen kooxaha Real Madrid iyo Deportivo Alaves, kaasoo Los Blancos looga adkaaday 2-1, waxaana la filayaa in xiddiga reer Belguim uu maqnaado Saddex toddobaad ama ilaa iyo bil.

Haddaba sida ay sheegayaan warar maanta soo baxay maamulka kooxda Real Madrid waxay bilaabeen inay qorsheeyaan in Eden Hazard ay qeyb kaga dhigaan heshiis is dhaafsi ah oo ay dooneyso inay la gasho kooxda Paris Saint-Germain, xagaaga soo aadan si ay kaga soo qaadato Kylian Mbappé.

Eden Hazard reveals he'd love to bring Kylian Mbappe to Real Madrid and  touts PSG star to be best player in world

Qandaraaska Kylian Mbappé ee kooxda Saint-Germain ayaa dhacaya xagaaga 2022, laakiin ciyaaryahanka ayaa iska diiday dhammaan iskudayada ay kooxda reer France ku dooneyso inay ku cusbooneysiiso qandaraaskiisa.

Waxaa xusid mudan in Kylian Mbappé uu yahay bar-tilmaameedka koowaad ee tababare Zinedine Zidane, xagaaga soo aadan, gaar ahaan maadaama Real aysan wax heshiis ah soo gabagabeyn xagaagii lasoo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close