Kooxda Liverpool oo u gudubtay wareega 16-ka & guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Champions League… SAWIRRO

(Liverpool) 02 Dis 2021. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa iska xaadirisay wareega 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, kaddib markii ay naadiga Ajax kaga adkaatay 1-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Shanaad ee wareega group-yada.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Liverpool iyo Ajax.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-0 ay kaga adkaatay kooxda Ajax oo marti ugu aheyd garoonka Anfield, natiijadan ayaa ka dhigan in Reds ay u gudubtay wareega 16-ka, kaddib markii ay uruursatay 12 dhibcood kulamadii ay ka ciyaartay group-ka  D.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League:-

GROUP A

Lokomotiv Moscow 1 – 3 Salzburg

Atletico Madrid 1 – 1 Bayern Munich

GROUP B

Shakhtar Donetsk 2 – 0 Real Madrid

Borussia Moenchengladbach 2 – 3 Inter

GROUP C

FC Porto 0 – 0 Manchester City

Marseille 2 – 1 Olympiacos

GROUP D

Atalanta 1 – 1 FC Midtjylland

Liverpool 1 – 0 Ajax

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close