Fursada ay Chelsea ugu tartami karto Premier League, xiddiga uu kaga daydo kubadda cagta & dhowr arrimood kale uu ka hadlay Hakim Ziyech

(London) 01 Dis 2021. Xiddiga reer Morocco iyo kooxda Chelsea ee Hakim Ziyech, ayaa wuxuu ka hadlay fursadaha kooxdiisa ay ugu tartami karto hanashada horyaalka Premier League.

Wargeyska “Telegraph” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Xiddiga reer Morocco ee Hakim Ziyech, wuxuuna yiri:

“Ku guuleysiga Chelsea ee horyaalka Premier League? Dabcan, marwalba waa inaad aamintaa arintaan.”

“Ku guuleysiga waxay ka bilaabantaa aaminaad, kaddibna inaad si adag maalin walba u shaqeyso si aad u gaarto, waxaan u maleynayaa in taasi ay tahay waxa aan hadda sameysneyno, dhamaadka xilli ciyaareedka, waxaan arki doonaa natiijada waxa aan sameyno.”

Intaas kaddib Hakim Ziyech ayaa wuxuu ka hadlay isbarbardhiga isaga iyo Eden Hazard, wuxuuna yiri:

Chelsea star Hakim Ziyech inspired by Eden Hazard as he fires Liverpool and  Spurs warning | Football | Sport | Express.co.uk

“Eden Hazard waa xiddig heer caalami ah, wuxuu ii yahay tusaale aniga ahaan, waxaan arkaa sida uu u ciyaaro kulamada, waxaana daawadaa faahfaahinta yar ee uu sameeyo, wax badana waan ka baran karaa isaga.”

“Waan ku faraxsanahay Chelsea, waxaana dareemayaa wanaag, iyo in aan joogo gurigayga, waana tan ugu muhiimsan marka aad ciyaarayso.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close