Kooxda Juventus oo xiiseynaysa daafac ka tirsan Atletico Madrid, kaasoo heshiiskiisa haatan uu ku eg yahay 2022

(Turin) 30 Nof 2020. Kooxda kubadda cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa la soo warinayaa inay xiiseynayso saxiixa daafaca Atletico Madrid ee Savic.

Warsidaha Talyaaniga ee Calcio Mercato ayaa daabacay in daafaca Atletico Madrid ee Stefan Savic uu xiiso ka helayo Kooxda Juventus.

Kooxda reer Spain ayaa ka rajeynaysa Bianconeri inay soo gudbiso dalab rasmi ah oo ay ku doonayso 29-sano jirkaan sanadka soo socda.

Atletico Madrid ayaa cunaqabateyn doonta bixitaanka Savic haddii uu diido heshiis cusub, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu ku eg yahay sanadka 2022-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close