Kooxda Juventus oo heshiis is-dhaafsi weeraryahanno waa weyn ah u bandhigaysa Paris Saint-Germain

(Turin) 30 Nof 2020. Kooxda kubadda cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa la soo warinayaa inay heshiis is-dhaafsi weeraryahanno waa weyn ah u bandhigayso naadiga reer France ee Paris Saint-Germain.

Juventus ayaa la sheegayaa inay heshiis is-dhaafsi Dybala iyo Icardi ah u bandhigto kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska ee PSG.

Warsidaha CalcioMercato ayaa warinaya in laga yaabo inay Juventus raadiso heshiis is-dhaafsi ah oo uu ku lug leeyahay Paulo Dybala, kaasoo loo dirayo dhanka Paris Saint-Germain si ay kooxda reer Talyaani u hesho Mauro Icardi.

Heshiiskan is-dhaafsiga ah ayaa dhici doona xagaaga, iyadoo Juve ay ku dhibtoonayso inay Dybala ka saxiixato heshiis cusub, tiiyoo ay jirto in kooxda ka dhisan Turin ay muddo dheer xiiseynaysay Icardi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close