Kooxda Inter Milan oo bedelka Lautaro Martinez ka dhex aragta horyaalka Premier League

(Milan) 30 Nof 2020. Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa la soo warinayaa inay bedelka Weeraryahankeeda Lautaro Martinez ka dhex aragto koox ka dheesha horyaalka Premier League.

Sida warbixinta lagu sheegay Raul Jimenez ayaa kooxda Inter Milan u bedeli kara Lautaro Martinez.

Warsidaha CalcioMercatoWeb ayaa warinaya in Inter Milan ay Lautaro Martinez ku bedelan karto xiddiga Kooxda kubadda cagta Wolves ee Raul Jimenez.

Kooxaha Inter Milan iyo Juventus ayaa labaduba baadi goob ugu jiray ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Mexico, kooxda Tababare Antonio Conte ayaana u dhaqaaqi karta saxiixiisa haddii Lautaro uu baxo xagaaga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close