Chelsea oo bartilaameedsanaysa daafac ka tirsan Kooxda RB Leipzig… (Yaa kula tartamaya saxiixiisa?)

(London) 30 Nof 2020. Kooxda kubadda cagta Chelsea ee ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa saxiixa daafac ka tirsan RB Leipzig.

Sida wararku ay sheegayaan kooxda Chelsea ayaa West Ham United kula tartamaysa saxiixa Matthew Bondswell.

Jariiradda The Telegraph ayaa warinaysa in Kooxaha Chelsea iyo West Ham United ay ku tartamayaan saxiixa daafaca RB Leipzig ee Matthew Bondswell.

Labada kooxood ayaa diiradda ku haya saxiixa 18-sano jirkaan daafaca garabka bidix ka ciyaara, kaasoo haatan amaah kula jooga kooxda reer Holland ee FC Dordrecht.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close