Wolverhampton oo saddexda dhibcood kaga soo qaadatay Arsenal garoonkeeda Emirates… +SAWIRRO

(London) 30 Nof 2020. Wolverhampton ayaa saddexda dhibcood kaga soo qaadatay Arsenal garoonkeeda Emirates, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaartan ayaana qeyb ka ahayd kulamada  horyaalka Premier League ee Toddobaadkan.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala maray 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Wolverhampton.

Daqiiqadii 27-aad kooxda Wolverhampton ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay xiddigooda Pedro Neto.

Laakiin daqiiqadii 30-aad kooxda Arsenal ayaa heshay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Gabriel, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Willian.

42 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Wolverhampton ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu gool qurux badan ka dhaliyay Daniel Podence, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-2.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Wolverhampton, kooxda Arsenal oo ay ku booqatay garoonkeeda Emirates.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close