Man United oo guul soo laabasho ah ka gaartay Southampton oo labo la horreysay, xilli uu Cavani wacdaro dhigay…+ SAWIRRO

(England) 29 Nof 2020. Manchester United ayaa guul soo laabasho ah kaga soo gaartay Kooxda Southampton garoonka St. Mary’s, kaddib markii ay kaga soo adkaatyay 2-3, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Southampton.

Daqiiqadii 16-aad kooxda Southampton ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Jan Bednarek, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis James Ward-Prowse.

33 daqiiqo marka ay dheesha mareysay James Ward-Prowse ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay naadiga Southampton.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 60-aad kooxda Manchester United ayaa la timid gool kaddib markii uu ciyaarta ka dhigay 2-1 xiddigooda Bruno Fernandes, waxaana caawintan goolkan lahaa Edinson Cavani.

74 daqiiqo Manchester United ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 2-2 ka dhigay Edinson Cavani.

Daqiiqadii 90-aad kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 2-3 ka dhigay Edinson Cavani, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Marcus Rashford.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-3 kulan ay Manchester United kaga soo adkaatay kooxda Southampton oo ay ku booqatay St. Mary’s Stadium.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close