Kooxda Arsenal oo diyaar u ah inay iska iibiso mid ka mid ah Weeraryahannadeeda waa weyn

(London) 29 Nof 2020. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso mid ka mid ah Weeraryahannadeeda lacagaha badan ugu fadhiya.

Jariiradda Daily Star ayaa warinaysa in Arsenal aya isku diyaarinayso inay iska iibiso saxixieeda rikoorka ah ee Nicolas Pepe haddii dalab sax ah ay ku hesho.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Gunners ay rumeysan tahay in lacag badan oo ay ku soo iibsadeen weeraryahanka reer Ivory Coast aysan u goynin ku guuleysiga Premier League, sidaas darteedna waxa ay diyaar u yihiin inay u tilmaamaan Albaabka looga baxo Emirates.

Si kastaba ha noqotee Pepe laguma iibin doono qiimo jaban, iyadoo Arsenal ay xitaa u furan tahay inay amaah ku wareejiyaan taasoo ay waajib tahay in markaas kaddib la wada iibsanayo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close