Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou guul sahlan kaga gaartay kooxda Osasuna… +SAWIRRO

(Barcelona) 29 Nof 2020. Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou guul sahlan kaga gaartay kooxda Osasuna, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, xilli kulankan uu qeyb ka ahaa kulamada Toddobaadkan ee horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 29-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Martin Braithwaite.

42 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Barcelona ayaa dhalisay gool labaad, kaddib markii uu 2-0 ka dhigay xiddiga reer France ee Antoine Griezmann.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 57-ada kooxda Bacelona ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho.

73 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Lionel Messi ayaa ka dhigay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Trincao.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 4-0 ay Barcelona kaga adkaatay kooxda Osasuna oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close