Chelsea oo dharbaaxa xoogan la damacsan kooxda Real Madrid

(London) 28 Nof 2020. Wargeysyada Spain ayaa waxay shaaca ka qaadeen in Chelsea ay qorsheyneyso inay heshiis lacag la’aan ah kula soo saxiixato daafaca reer France iyo naadiga Real Madrid ee Raphaël Varane, maadaama uusan wali cusbooneysiinin qandaraaskiisa Los Blancos.

Qandaraaska Raphaël Varane ee kooxda Real Madrid ayaa wuxuu dhacayaa xagaaga 2022, waa ku dhawaad kaddib labo sano iyo bar, walina labada dhinaca ma aysan ka wada hadlin arrimo ku saabsan qandaraas kordhintiisa.

Sida laga soo xigtay shabakadda “Devensa Central”, Chelsea ayaa kula biirtay Manchester United tartanka loogu jiro qandaraaska Raphaël Varane, laakiin Blues ayaa waxa ay heysataa qorshe ka duwan, oo ah inay sugto illaa xagaaga 2022, kaddibna beeca xurta ah ay kula soo saxiixato ciyaaryahanka reer France.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa rajeyneysa in Raphaël Varane uusan heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda Real Madrid, Blues qorsheyneysaa in daafacan reer France ay u balan qaado laba jibaar mushaarka uu haatan ka qaato Los Blancos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close