Brighton oo taako u dhigtay kooxda Liverpool oo marti u aheyd… +SAWIRRO

(England) 28 Nof 2020. Brighton & Hove Albion ayaa taako u dhigtay kooxda Liverpool oo marti ugu aheyd garoonka The American Express Community, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah ay isku mari waayeen labada kooxood Brighton & Hove Albion iyo Liverpool.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 60-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Diogo Jota, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Mohamed Salah.
90 daqiiqo markii ay ciyaarta aheyd kooxood Brighton & Hove Albion ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay Pascal Gross
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Brighton & Hove Albion iyo Liverpool, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka The American Express Community.
SAWIRRO:
Gool FM.