Zidane oo si RASMI ah u shaaciyey liiska xiddigaha Real Madrid uga qeyb galaya kulanka Deportivo Alaves…(Yaa ka maqan yaase ku soo baxay?)

(Madrid) 27 Nof 2020. Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa ee uga qeyb galaya kulanka Deportivo Alaves kaasoo qeyb ka ah kulamada toddobaadkan ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Real Madrid ayaa habeen dambe ku soo dhaweyn doonta kooxda kubadda cagta Deportivo Alaves garoonkeeda Alfredo Di Stefano, waxaana liiskan lagu arkay inuu wali ka maqan yahay kabtanka kooxda Sergio Ramos, sababa la xiriira dhaawac ka soo gaaray muraqa inta lagu gudi jiray kulamadii caalamiga ahaa, iyo Dani Carvajal oo isna soo gaaray dhaawac muruqa hoose bowdada ee lugtiisa midig ah.

Liiska ayaa waxaa sidoo kale ka maqnaan doono Karim Benzema, halka Zinedine Zidane uu heli karo adeegyada dhamaan xiddigaha Eden Hazard, Mariano Diaz, Martin Odegaard iyo Éder Militão.

Halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka kulanka Deportivo Alaves ee horyaalka La Liga:-

صورة

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close