Halyeey Real Madrid ah oo doortay midka ku haboon kooxda xiddigaha Mbappé iyo Haaland

(Madrid) 27 Nof 2020. Xiddigii hore ee Real Madrid ee José Miguel González Martín del Campo oo loo garasho ogyahay “Míchel” ayaa doorbiday in Los Blancos ay la soo wareegto ciyaaryahanka reer Norway Erling Haaland, marka loo fiiriyo Kylian Mbappé.

Magaca Kylian Mbappé ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid, maadaama uu helayo kalsoonida madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Pérez.

Laakiin kaddib bandhiga cajiibka ah Erling Haaland ee kooxda Borussia Dortmund, ayaa waxay ka dhigtay in maamulka Real Madrid ay ka fiirsadaan la soo saxiixashadiisa, sida ay xaqiijinayaan wargeyska Spain.

Haddaba Míchel ayaa wareysigiisa ku bixiyay wargeyska “AS” ee dalka Spain wuxuu ku sheegay:

“Mbappé ama Haaland? Real Madrid waa inay lacagta u isticmaashaa saxiixyada afar ama shan heshiis oo cusub.”

Troubled Marseille sack coach Michel - BeSoccer

“Aniga ahaan, waxaan jeclahay oo aan doorbidayaa Erling Haaland, wuxuu sameynayaa shaqo aad u wanaagsan, wuxuuna dhaliyaa goolal, mana ahan kaliya xerada ganaaxa dhexdeeda, ee wuxuu ka dhalin karaa meelo iyo xaallado kala duwan.”

“Real Madrid waxay aad u dooneysay in ay heshiisyo badan sameyso, labadii sano ee la soo dhaafay kooxda waxaa looga adkaaday wareega bug baxa ee Champions League, waxay u baahan tahay xasilooni dheeri ah, tanna waxaa lagu sameyn karaa iyadoo la xoojiyo kooxda.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close