Maxay ahayd sababtii Mareykanku uu ugu diiday Maradona inuun dalkooda sii joogo… (26-sano ka hor iyo dhacdadii Koobka Adduunka)

(Mareykan) 26 Nof 2020. Koobkii Adduunka ee sanadkii 1994 lagu qabtay dalka Mareykan ayaa laga diiwaan galiyay dhacdo xusuus leh kaddib markii Diego Maradona lagu amray inuusan dalka sii joogin.

Kaddib markii Maradona laga helay maandooriyaha ephedrine (Efedriin) markii ay idlaatay ciyaartii labaad ee ay wareegga Guruubyada Argentina la ciyaartay Nigeria, mucjisadii kubadda cagta ayaa laga soocay xiddigaha kale ee ay isku waddanka ahaayeen, waxaana laga mamnuucay tartankii markaas socday iyo guud ahaan dalka Mareykanka.

Balse Diego ayaa iska fogeeyay inuu daroogadan si ku talo gal ah u isticmaalay, taas baddelkeedna isticmaalay daawada caburka sanka loo isticmaalo ee decongestant.

Markii halyeyga xalay geeriyooday laga mamnuucay koobkii Adduunka ee markaas socday, waxa uu sidoo kale lumiyay dal-ku-jooggiisa Mareykanka, maalintaas kaddibna cago ma uusan dhigi ciidda USA.

Si kastaba ha ahaatee, Diego Armando Maradona ayaa xalay u geeriyooda wadno xanuun deg deg ah, waxaana uu ka tagay dunida isagoo 60-jir ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close