Chelsea oo qorsheeneysa inay qandaraaska u kordhiso Thiago Silva

(London) 26 Nof 2020. Chelsea ayaa wadahadalo la gashay daafaceeda reer Brazil ee Thiago Silva si ay ugu kordhiso qandaraaskiisa kooxda, kaasoo ku eg dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Thiago Silva ayaa xagaagii hore Chelsea kaga soo biiray Paris Saint-Germain si bilaash ah kaddib markii qandaraaskiisa PSG uu soo idlaaday, wuxuuna Blues u saxiixay qandaraas hal sano ah uu ku joogayo garoonka Stamford Bridge.

Haddaba sida laga soo xigtay shabakada “TUTTOmercato” ee dalka Talyaaniga kooxda reer England ayaa haatan wadahadalo kula jirta 36 jirka reer Brazil si ay ugu kordhiso qandaraaskiisa ilaa xagaaga 2022, kaadib qaab ciyaareedkii fiicnaa uu soo bandhigay tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka.

Bandhiga Thiago Silva ayaa soo jiitay maamulka kooxda reer London ee Chelsea, kaddib markii uu si guul ah kula biloowday naadiga iyo saameynta wanaagsan uu ku dhex yeeshay Stamford Bridge, ha ahaato gudaha ama banaanka garoonka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close