RASMI: Halyeeygii kubadda cagta adduunka ee reer Argentine Diego Armando Maradona oo geeriyooday

(Argantina) 25 Nof 2020. Halyeeygii kubadda cagta adduunka ee reer Argentina ee Diego Armando Maradona ayaa geeriyooday isaga oo 60 jir ah.

Sida ay wararku sheegayaan Diego Armando Maradona ayaa si deg-deg ah wadnaha u istaagay isagoo ku sugan gurigiisa ku yaalla Tigre, waxaana isla markii la geegay dhakhtarka si loo xaqiijiyo inuu geeriyooday iyo inkale.

Sida laga soo xigtay Shabakadda “Clarin Network”, xaaladda caafimaad ee halyeeyga reer Argentina ayaa ku soo laabatay maanta inay sii xumaato, waxaana lagu qaaday ambalaas kahor inta aanu geeridiisa lagu xaqiijinin cisbitaalka.

Si kastaba ha noqotee, Diego Maradona ayaa dhawaan qalliin lagu sameeyey kaddib markii meel maskaxda inyar u jirta ay ku da’een dhibco dhiig ah markii ay guntameen, xiddidada dhiigga ee madaxana ay qarkood qarxeen.

Gool  FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close