Man City oo u gudubtay wareega 16-ka ee Champions League kaddib markii ay guul ka soo heshay kooxda Olympiacos … SAWIRRO

(Manchester) 25 Nof 2020. Manchester City ayaa guul ka soo heshay kooxda Olympiacos oo ay ku booqatay garoonka Karaiskaki Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qeyb ka aheyd Kulamo ka tirsan heerka Guruubyada ee tartanka Champions League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester City.

Daqiiqadii 36-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Phil Foden, kaddib markii uu goolkan si qurux badan kaga caawiyay saaxiibkiis Raheem Sterling.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-1 ay Manchester City kaga soo adkaatay kooxda Olympiacos oo ay kaga booqatay Karaiskaki Stadium, Sky Blue ayaana u gudubtay wareega 16-ka tartanka  xiisaha badan ee Champions League.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close