Pirlo: “Ronaldo tixgelin gaar ah kama helo Kooxda Juventus”

(Turin) 24 Nof 2020. Tababaraha kooxda Juventus ee Andrea Pirlo ayaa xaqiijiyay in xiddigiisa reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, uusan ka helin Bianconeri tixgelin gaar ah, inkastoo taariikh iyo boos wanaagsan uu ku leeyahay kubadda cagta.

Cristiano Ronaldo wuxuu heer wanaagsan ku soo bandhigay kooxdiisa Juventus tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 8 gool lixda kulan ee ugu horreysay.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyey in ka badan kala bar goolashii ay Juventus ka dhalisay horyaalka Talyaaniga sanadkan, isagoo dhaliyey 29 gool ka mid ah 59 gool oo ay dhalisay Bianconeri.

Haddaba Andrea Pirlo ayaa kahor kulanka ay caawa ku wajihi doonaan kooxda Ferencvaros, tartanka xiisaha badan ee Champions League, wuxuu ku yiri:

“Ronaldo ma helo tixgelin gaar ah ee kooxda Juventus, waxaan ula dhaqmaa aniga ahaan sida aan ula dhaqmo dhamaan ciyaartoyda kale, marwalba oo aan joogo garoonka banaankiisa iyo gudahiisa.”

“Waxaan ula dhaqmaa Cristiano Ronaldo si lamid ah sidii aan ula macaamilay Gianluca Frabotta iyo Manolo Portanova, oo ah labo ciyaartooy oo dhalinyaro ah.”

“Waxaan sameeyaa waxyaabo la mid ah wixii aan sameyn jiray markii aan ciyaaryahan ahaa.”

Waxaa xusid mudan in kooxda Juventus ay ku jirto kaalinta labaad ee Group-ka G ee tartanka Champions League, waxayna saddex dhibcood ka dambeeysaa hoggaamiyeyaasha Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close