Man United, Juventus, Barcelona iyo PSG oo guulo gaaray & guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Champions League… SAWIRRO

(Yurub) 25 Nof 2020. Waxaa caawa la ciyaaray ciyaaro aad u xiiso badan ee ka tirsan kulamada afaraad wareega Group-yada tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2020/21.

Kooxaha Juventus, Barcelona, Manchester United, Chelsea iyo Paris Saint-Germain ayaa ka mid ahaa kooxihii ugu muhiimsanaa ee caawa ciyaaray kulammadii koobka horyaallada Yurub.

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford guul ay u qalaynatay kaga gaartay naadiga Istanbul Basaksehir, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-1, waxaana goolasha u kala dhaliyay Bruno Fernandes oo 2 gool ah, Marcus Rashford iyo Daniel James.

Barcelona ayaa dhankeeda la’aanka Lionel Messi guul ka soo heshay kooxda Dynamo Kyiv, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-4, waxaana goolasha u kala dhaliyay xiddigaheeda kala ah Antoine Griezmann, Sergino Dest, iyo 2 gool oo Martin Braithwaite ah, Barca ayaana guushaan ka dhigan tahay inay u gudubtay wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Dhinaca kale Paris Saint-Germain ayaa ka adkaatay kooxda RB Leipzig oo marti ugu aheyd garoonka Parc des Princes, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, waxaana goolka u dhaliyay xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr.

Sidoo kale Juventus ayaa guul ka heshay kooxda Ferencvaros, waxayna kaga adkaatay 2-1, iyadoo goolasha ay kaga mahad celineyso xiddigigaheeda Cristiano Ronaldo iyo Alvaro Morata, naadiga reer Talyaaniga ayaa u soo baxday wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League:-

GROUP E

FC Krasnodar 1 – 2 Sevilla

Rennes 1 – 2 Chelsea

GROUP F

Borussia Dortmund 3 – 0 Club Brugge

Lazio 3 – 1 Zenit St. Petersburg

GROUP G

Dynamo Kyiv 0 – 4 Barcelona

Juventus 2 – 1 Ferencvaros

GROUP H

Manchester United 4 – 1 Istanbul Basaksehir

Paris Saint-Germain 1 – 0 RasenBallsport Leipzig.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close