RASMI: Ole Gunnar Solskjaer oo xaqiijiyay in xiddig ka tirsan Man United uu galay xaalad karantiil ah

(Manchester) 23 Nof 2020. Kooxda Manchester United ayaa weyn doonta adeega ciyaaryahanka reer England ee Jesse Lingard, kulanka soo socda oo ay kooxdiisu kula ciyaari doonto naadiga İstanbul Başakşehir tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League.

United ayaa heshay war aan fiicneyn oo ku saabsan xiddigeeda, kaasoo lagu qasbay inuu kariintiil ku galo gurigiisa, kaddib markii uu xiriir la sameeyay qof uu ku dhacay Korona Fayras.

Tababaraha kooxda Red Devils ee Ole Gunnar Solskjaer, ayaa xaqiijiyay in Jesse Lingard uu durba galay xaalad karantiil ah ee la xiriira caabuqa Korona Fayras.

Macalinka reer Norway ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu ku sheegay:

“Jesse Lingard wuxuu galay karantiil caafimaad ee guriga ah, sababtoo ah wuxuu la xiriiray, shaqsi uu ku dhacay caabuqa Korona Fayras, wuxuuna moo soo laaban doonaa goor dhow”.

Man Utd legend Paul Scholes tells Jesse Lingard he needs transfer exit and  spots signal Solskjaer is ready to sell

“Waxaan rajeyneynaa in dadka dhaawacan ay dhaqso u soo kabsan doonaan, Luke Shaw waa dhaawacmay, Phil Jones wali wuu ka fog yahay ka qeyb qaadashada”.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa ku qaabili doonta kooxda reer Turkiya ee İstanbul Başakşehir garoonka Old Trafford fiidnimada Talaadada ah, si ay u wada ciyaaraan ciyaar qeyb ka ah kulamada afaraad ee wareega group-yada tartanka Champions League, xilli lugtii hore ee kulankan 2-1 looga soo adkaaday Red Devils.

Laakiin Manchester United ayaa hoggaamineysa group-kan iyadoo leh 6 dhibcood, waxayna farqi goolal tirsi ah kaga hoggaamineysaa kooxda ku soo xigta ee Leipzig.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close