Mid ka mid ah xiddigaha Kooxda Chelsea oo amaah lagu dirayo bisha Janaayo

(London) 23 Nof 2020. Sida wararku ay tilmaamayaan mid ka mid ah xiddigaha Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa amaah lagu diri doonaa suuqa soo aaddan ee Janaayo.

Jariiradda The Telegraph ayaa warinaysa in Chelsea ay dooneyso inay amaah ku dirto Fikayo Tomori bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga xiddigaha.

The Blues Kooxda lagu naynaaso ayaa cunaqabateyn ku saari doonta bixitaanka ku meel gaarka ah 22-sano jirkaan si uu markale u bilaabo inuu si joogto ah u ciyaaro kubadda cagta.

Tomori ayaa booska joogta ahaa ka haystay Tababare Frank Lampard xilli ciyaareedkii hore, laakiin kaliya hal kulan oo horyaalka Premier League-ga ah ayuu u ciyaaray illaa iyo haatan Kooxda Chelsea fasal ciyaareedkan 2020-21.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close