Halyeey kooxda Arsenal ah oo weerar ku qaaday Nicolas Pepe

(London) 23 Nof 2020. Xiddigii hore kooxda Arsenal ee Martin Keown ayaa ku dhaleeceeyay ciyaaryahanka reer Ivory Coast ee Nicolas Pepe, dhaqan xumadiisa kulankii xalay ay la ciyaareen Leeds United.

Kooxaha Leeds United iyo Arsenal ayaa barbardhac 0-0 ah ku kala baxay, kulan aad u xiiso badan oo ay ku wada ciyaareen garoonka Elland Road, kaasoo qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Daqiiqadii 52-aad xiddiga kooxda Arsenal ee Nicolas Pepe ayaa qaatay kaarka roosaha, kaddib markii uu qalad cad ku galay mid ka mid ah xiddigaha naadiga Leeds United.

Sida laga soo xigtay “The Daily Mail” ee dalka England, halyeeyga Martin Keown ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku dhaleeceeyay Nicolas Pepe, wuxuuna yiri:

“Kani wuxuu ahaa kulankii labaad uu Nicolas Pepe ku soo biloowday Pepi horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, ikastoo heshiiskiisa uu ku kacay qiyaastii ilaa iyo 72 million pounds”.

Martin Keown insists Arsenal overpaid for Nicolas Pepe | Daily Mail Online

“Heshiiska ugu qaalisan taariikhda ee kooxda Arsenal waxay aheyd inuu ka faa’ideysto fursadan, si uu u kasbado inuu safka koowaad ku soo biloowdo, laakiin taa bedelkeeda, wuxuu dhibaato ku abuuray kooxdiisa sababa la xiriira dhaqankiisa aan xirfadda lahayn”.

“Ugu dambeyntiina wuxuu ka dhigay tababarihiisa Mikel Arteta inuu ka baxo garoonka isagoo ku qanacsan hal dhibac, kaddib xaalladii kaarka roosaha”.

Waxaa xusid mudan in Arsenal ay hada ku jirto kaalinta 11-aad ee miiska kala sareynta horyaalka Premier League iyadoo leh 13 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close