“Waxay doonayeen inaan ku biiro Kooxda Chelsea” – Wayne Rooney oo shaaca ka qaaday inuu qarka u fuulay ku biirista Blues

(London) 22 Nof 2020. Weeraryahankii hore ee xulka qaranka England iyo kooxda Manchester United ee Wayne Rooney ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhowaaday inuu ku biiro Chelsea.

Wayne Rooney waxa uu shaaca ka qaaday in kooxdiisii hore ee Everton ay doonaysay inuu isagu ku biiro Chelsea, balse aysan ahayn Manchester United sanadkii 2004.

“Everton dhab ahaantii waxay ku dhibtooneysay lacag la’aan waqtigaas, waxaanan ogaaday inay dhageysanayaan dalabyada kaga imaanaya dadka sidoo kale.” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Rooney.

“Waxay isku dayayeen inay igu riixaan inaan u saxiixo Kooxda Chelsea, maxaa yeelay waxay bixin lahaayeen lacagta ugu badan” ayuu yiri Wayne Rooney oo u warramayey UTD Podcast.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyey: “Laakiin, markii aan ogaaday inay Man United xiiseynayso, waxaan doonayay xoogaa xaqiijin ah oo ku saabsan inay doonayeen.

“Markii aan ogaaday inay doonayeen inay ila saxiixdaan aniga, waxay ahayd kooxda kaliya.”

Rooney reveals cash-strapped Everton pushed him to move to Chelsea in 2004 before Man United move | Daily Mail Online

Rooney ayaa xiddig sare ka noqday Kooxda Manchester United oo sidoo kale uu u ahaa kabtan, waxaana uu u dhaliyey goolasha ugu badan, isagoo kula guulestay Koobab muhiim ah oo ay ku jiraan Premier League iyo Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close