Kooxaha Leeds United iyo Arsenal oo barbardhac ku kala baxay… +SAWIRRO

(England) 22 Nof 2020. Kooxaha Leeds United iyo Arsenal ayaa barbardhac 0-0 ah ku kala baxay, kulan aad u xiiso badan oo ay ku wada ciyaareen garoonka Elland Road, kaasoo qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah ay isku mari waayeen labada kooxood ee Leeds United iyo Arsenal.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 52-aad xiddiga kooxda Arsenal ee Nicolas Pepe ayaa qaatay kaarka roosaha, kaddib markii uu qalad ku galay mid ka mid ah xiddigaha naadiga Leeds United.

Laakiin ugu dambeyntii dheesha ayaa ku soo dhamaatay 0-0 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Leeds United iyo Arsenal.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close