Barcelona oo warbixin ka soo saartay dhaawacyada Pique iyo Roberto… (Mid ka mid ah oo la xaqiijiyay muddada uu maqnaanayo)

(Barcelona) 22 Nof 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa soo saartay labo warbixin oo rasmi ah, ee ku saabsan dhaawacyada xiddigaheeda laf dhabarta u ah kooxda ee Gerard Pique iyo Sergi Roberto.

Xiddigaha Gerard Pique iyo Sergi Roberto ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Barcelona xalay kooxda Atletico Madrid kula ciyaareen garoonka Wanda Metropolitano.

Atletico Madrid ayaa garoonkeeda Wanda Metropolitano guul kaga gaartay kooxda Barcelona, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Warbixinta ay Barcelona ka soo saartay Gerard Pique ayaa lagu shaaciyay in daafaca reer Spain uu la xanuunsanayo dhaawac dhanka Jilibka Midig ah.

Warbixinta ayaa lagu cadeeyay in baaritaanadii maanta oo Axad ah looga sameeyay Gerard Pique goobta uu dhaawaca ka soo gaaray arrintan, iyadoo aan la shaacin mudada uu garoomada ka maqnaanayo.

Dhinaca kale Barcelona ayaa warbixin rasmi ah ay ka soo saartay dhaawaca soo gaaray Sergi Roberto, waxay ku sheegtay in ciyaaryahanka uu sidoo kale maray baaritaano caafimaad, taasoo lagu xaqiijiyay inuu dhaawac ka soo gaaray muruqa bowdada midig.

Si ka duwan Gerard Pique, Barcelona ayaa go’aamisay muddada uu garoomada ka maqnaan doono Sergi Roberto, iyadoo sheegtay inuu ka maqnaan doono illaa iyo mudo dhan laba bilood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close