Arsenal oo xiiseynaysa xiddig khadka dhexe kaga ciyaara Kooxda Real Madrid, xilli Arteta uu rabo inuu gacanta ku soo dhigo bisha Janaayo

(London) 22 Nof 2020. Sida wararku ay tilmaamayaan kooxda kubadda cagta Arsenal iyo macallinkeeda Arteta ayaa xiiso u qaba saxiixa xiddig khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid.

Gunners ayaa bannaanka keentay xiisaha ay u qabto laacibka khadka dhexe ee Kooxda Real Madrid Isco.

Warsidaha Todofichajes ayaa warinaya in laacibka khadka dhexe ee Kooxda Real Madrid Isco inuu xiiso ka helayo kooxda reer England ee Arsenal.

Gunners ayaa baareysa suurtogalnimada inay heshiis amaah ah oo ay dib ka iibsan karto kula soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain bisha Janaayo ee horraanta sanadka cusub.

Kooxda uu hoggaamiyo macallin Arteta ee Arsenal ayaa doonaysa inay Isco ku soo qaadato amaah lix bilood ah, ka hor inta aysan si toos ah ugu iibsan xagaaga soo socda Adduun dhan 30 milyan oo euro oo u dhiganta 27 milyan oo gini ama 36 milyan oo dollar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close