Kooxaha Villarreal iyo Real Madrid oo barbadhac ku kala baxay… +SAWIRRO

(Spain) 21 Nof 2020. Kooxaha Villarreal iyo Real Madrid ayaa ku kala baxay barbadhac 1-1 ah kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Real Madrid.

Daqiiqadii 2-aad ee bilawgii ciyaarta Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Mariano Diaz, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Daniel Carvajal.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 76-aad kooxda Villarreal ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Gerard Moreno, ciyaarta ayaana sidaas ku boqotay barbardhac 1-1 ah.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Villarreal iyo Real Madrid.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close