Chelsea oo saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Newcastle United oo ay ku booqatay garoonka St James’ Park… +SAWIRRO

(England) 21 Nof 2020. Chelsea ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Newcastle United oo ay ku booqatay garoonka St James’ Park, kaddib marikii ay kaga soo adkaatay 0-2, kulan qeyb ka ahaa Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barba 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Chelsea.

Daqiiqadii 10-aad ee dheesha Chelsea ayaa qabatay hoggaanka, kaddib markii uu gool iska dhaliyay xiddiga kooxda Newcastle United ee Federico Fernandez, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 0-1.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 65-aad Chelsea ayaa la timid gool labaad kaddib markii uu Tammy Abraham ka dhigay 0-2, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Timo Werner.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-2 ay kaga soo adkaatay Chelsea kooxda Newcastle United oo ay ku booqatay garoonka St James’ Park, Blues ayaana si ku meelgaar ah hoggaanka u qabatay dhanka kala sarreynta horyaalka Premier League, kaddib markii ay uruursatay 18 dhibcood, waxayna farqi goolal ah kaga hoggaamineysaa Leicester City oo habeen dambe la balansan Liverpool.

SAWIRRO:

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close