Muxuu u baahan yahay xulka qaranka Spain si uu u gaaro afarta ugu dambeysa ee UEFA Nations League?

(Madrid) 15 Nof 2020. Xulka qaranka Spain ayaa ku taamaya inuu ka gudbo marxaladda guruubyada ee UEFA Nations League, si ay u gaaraan afarta ugu dambeysa ee tartankan.

Wareegga Guruubyada ee tartankan ayaa la soo afmeeri doonaa Talaadada habeenkeeda, inkastoo ay Sabtidii barbaro la galeen Switzerland, sidaa darteen Spain waxay u baahan tahay inay garaacdo Germany si ay ugu dhammaysato booska ugu sarreeya ee Guruubkeeda.

Xulka qaranka Jarmalka ee ku guuleystay Koobkii Adduunka 2014 ayaa u baahan kaliya barbaro kulankaas, kaddib markii ay Sabtidii soo garaaceen Ukraine, waxayna u safri doonaan Magaalada Seville iyagoo guruubkooda hoggaanka u haya.

Switzerland iyo Ukraine ayaa u dagaallamaya inay ka badbaadaan u laabashada League B, iyadoo Swiss-ku ay haatan fadhiyaan booska ugu hooseeya guruubka, waxayna u baahan yihiin kaliya guul.

Dhanka kale xulka France ayaa xalay xaqiijiyey inay gaareen afarta ugu dambeysa tartankan kaddib markii ay garaaceen Portugal, taasoo la micno ah in Cristiano Ronaldo iyo xulkiisa aysan difaacan karin tartankan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close