RASMI: Xubin laf dhabar u ah AC Milan oo laga helay Korona Fayras

(Milano) 14 Nof 2020. Kaddib Zlatan Ibrahimovic, Gianluigi Donnarumma, Jens Petter Hauge iyo Matteo Gabbia, AC Milan ayaa xaqiijisay kiis kale oo Korona Fayras ah.

Naadiga reer Talyaani ayaa shaacisay in macallinkeeda Stefano Pioli uu haleelay faafaha Koofid-19, sidaas darteedna la galiyay karaantiil.

Roseneri ayaa xaqiijisay in Pioli aysan ka muuqan wax calaamado ah, balse baaritaan lagu sameeyay kaddib laga helay cudurka Korona Fayras.

Xaaladdaas ayaa dhalisay in guud ahaan tababarkii maanta ee ciyaartoyda kooxda Milan la joojiyo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close