RASMI: Weeraryahanka Kooxda Liverpool ee Mohamed Salah oo laga helay Korona Fayras

(Masar) 13 Nof 2020. Xulka qaranka Masar, oo uu hoggaaminayo Hossam El Badry, ayaa ku dhawaaqay in xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah laga helay Korona Fayras.

Warbixin rasmi ah uu soo saaray xiriirka kubadda cagta Masar fiidnamadan Jimcaha ah ayaa lagu sheegay in xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah uu ku dhacay cudurka dunida cuuryaamiyay ee Korona Fayras.

Salah oo 28 jir ah ayaa sida caadiga ah wuxuu maray borotokoolka caafimaadka, waxaana xusid mudan inuu xiriir dhexmaray dhakhtarka xulka qaranka Masar ee Mohammed Abu Al Ola iyo kooxda reer England ee Liverpool.

Mohamed Salah ayaa lagu go’doomiyay qolkiisa gaarka ah, waxaana sidoo kale la go’doomiyay dhamaan shaqsiyaadka uu la xiriiray, iyadoo laga war qabo inuu mari doono baaritaanno dheeri ah saacadaha soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close