Paris Saint-Germain oo ka hadashay wararka la xiriirinaya Cristiano Ronaldo

(Paris) 10 Nof 2020. Agaasimaha ciyaaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Leonardo Araújo ayaan meesha ka saarin suurtogalnimada uu weeraryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo uu ku imaan karo garoonka Parc des Princes.

Wargeysyada ka soo baxa gudaha Spain ayaa waxay la xiriiriyeen Cristiano Ronaldo inuu ka tagayo kooxda Juventus, si uu ugu biiro Paris Saint-Germain xagaaga soo aadan, inkastoo uu dhamaanayo qandaraaskiisa Bianconeri bisha June ee 2022.

Wargeyska “Goal” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Agaasimaha ciyaaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Leonardo Araújo, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

Ultime Notizie:" Leonardo: "Cristiano Ronaldo al PSG? Nel mercato possono  succedere cose strardinarie" - Rassegna Stampa "

“Maanta kubadda cagta ma ogin waxa dhici doona, waxaa laga yaabaa in Cristiano Ronaldo barri markuu soo tooso uu yiraahdo waxaan rabaa inaan ka ciyaaro meel kale”.

“Kumaa iibsan kara? Waa goob wareeg ah, Paris Saint-Germain ayaa soo gelaysa wareeggan, badanaa waxay ku saabsan tahay fursadaha iyo xaaladaha, xilliga kala iibsiga oo ay tahay inaan u diyaar garowno waana tan aan sameyno”.

“Waxaan leenahay bar-tilmaameedyadeena, liisaskayaga, laakiin wax lama filaan ah ayaa dhici kara”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close