Kooxda Manchester United oo amaah ku diri karta Goolhaye Dean Henderson & Sergio Romero oo…

(Manchester) 10 Nof 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay amaah ku diri karto goolhaye Dean Henderson, kaasoo doonaya inuu noqdo goolhayaha koowaad ee England.

Shabakadda ESPN ayaa warinaya in Manchester United ay amaah ku diri karto goolhaye Dean Henderson marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha bisha Janaayo.

Henderson waxaa lagu soo warramayaa inuu raadinayo ka bixitaan ku meel gaar ah si uu u xaqiijiyo safka koowaad ee uu u baahan doono inuu boos ka helo xulka England ee tartanka Euro 2020.

Dean Henderson ayaa danayna inuu ka tago Man United oo uu dooqa labaad ka yahay, maadaama uu goolhayaha koowaad ee Kooxda uu yahay De Gea, waxaana uu rabaa Dean inuu goolhayaha koowaad ka noqdo xulka saddexda libaax tartanka Euro 2020.

Goolhaye Sergio Romero ayaa la sheegay inuusan dhankiisa ku faraxsaneyn inuu lumiyo booskiisa lambarka labaad ee garoonka Old Trafford, laakiin Man United ayaan go’aan ka gaari doonin mustaqbalkiisa ilaa la hubiyo booskiisa Dean Henderson.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close