Juventus oo xiddig ka tirsan Kooxda Chelsea dib ugu soo celinaysa dalka Talyaaniga, xilli Federico Bernardeschi uu…

(Turin) 10 Nof 2020. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa la soo warinayaa in laacib ka tirsan Chelsea ay dib ugu soo celinayso dalka Talyaaniga, iyadoo Bernardeschi uu ka tagi karo kooxda ka dheesha horyaalka Serie A.

Magaalada Turin kooxda ka dhisan ayaa la daabacayaa maanta inay isku dayayso sidii ay Talyaaniga dib ugu soo celin lahayd Emerson Palmieri bisha Janaayo.

Warsidaha CalcioMercato ayaa warinaya in Kooxda Juventus ay isku dayi doonto markale sidii ay kooxda Chelsea ugala soo saxiixan lahayd Emerson Palmieri, marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha ee bisha Janaayo.

Camaaliqada Serie A ayay u badan tahay inay ku raadsato laacibkan heshiis amaah ah oo ay ku wada iibsaneyso haddii ay u baahato, iyadoo ciyaaryahanka durba la rumeysan yahay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Turin.

Daafacan garabka bidix ee Emerson Palmieri ayaa horay uga soo ciyaaray Talyaaniga isagoo soo metelay kooxaha Palermo iyo AS Roma.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in xiddiga garabka kaga ciyaara Juventus ee Federico Bernardeschi sidoo kale laga yaabo inuu ka tago Turin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close