Man United oo guuldarro kala soo kulantay kooxda Istanbul Basaksehir oo ay booqatay… +SAWIRRO

(Yurub) 04 Nof 2020. Manchester United ayaa guuldarro kala soo kulantay kooxda Istanbul Basaksehir oo ay booqatay, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada saddexaad wareega Group-yada tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2020/21.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 aay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Istanbul Basaksehir.

Daqiiqadii 13-aad kooxda Istanbul Basaksehir ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Demba Ba, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Edin Visca.

40 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Edin Visca ayaa dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Istanbul Basaksehir, waxaana goolkan ka caawiyay Deniz Turuc.

Daqiiqadii 43-aad Manchester United ayaa dhalisay gool waxaana 2-1 ka dhigay dheesha Anthony Martial, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Luke Shaw.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1 ay kaga adkaatay Istanbul Basaksehir, kooxda Manchester United oo marti ugu aheyd garoonka Basaksehir Fatih Terim Stadyumu.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close