Diego Maradona oo lagu guuleystay qalliin maskaxda looga sameeyey… (Waa sidee haatan xaaladdiisa caafimaad?)

(Yurub) 04 Nof 2020. Waxaa la xaqiijiyey in lagu guuleystay qalliinkii deg degga ahaa ee xalay maskaxda looga sameeyey halyeyga reer Argentina ee Diego Armando Maradona.

Diego Maradona ayaa qalliinkaan lagu sameeyey kaddib markii meel maskaxda inyar u jirta ay ku da’een dhibco dhiig ah markii ay guntameen, xiddidada dhiigga ee madaxana ay qarkood qarxeen.

Waxa uu Maradona qalliinkan ku maray caasimadda dalka Argentina waxaana dhaqtarka qalliinkan fuliyey uu sheegay in si buuxda loogu guuleystay oo uu haatan badqabo Maradona.

“Waxaan ku guuleystay inaan dhaqaajiyo xinjirihii, Diego qalliinkiisu waxa uu ahaa mid wanaagsan oo si guul ah u dhacay” – ayuu yiri Leopoldo Luque oo ah dhakhtarka qalliinka sameeyey.

“Diego waa la ilaalinayaa, waxaa ku dhacay xoogaa fuuqbax ah, waxaana qorshaynaynaa inaan berri taana ka saarno, joogitaankiisa isbitaalku waxay ku xirnaan doontaa qiimayntiisa, balse bilowga soo kabashadiisu waxay ahayd mid wanaagsan, sida uu qalliinka uga soo kacay ayaa layaab lahayd.” ayuu dhaqtarku ku daray hadalkiisa.

Maradona oo horraantii todobaadkan 60-sano jirsaday ayaa isbitaalka loola cararay Isniintii markii uu ku soo booday xanuun isaga oo ku sugan garoon dhexdii oo tababar siinaya kooxdiisa.

Ka hor inta uusan warkan soo bixin waxaa la mooday inuu Karona Fayras ku dhacay halyeygan Waddankiisa u qaaday Koobkii Adduunka ee 1986-kii.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close