Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo uu mid gaar ah u yahay kulanka uu caawa hoggaamin doono Manchester United ee ay ka horjeedaan Arsenal

(Manchester) 01 Nof 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa kulan ka tirsan horyaalka Premier League waxa ay caawa soo dhoweynaysaa naadiga ay xaftiilmaan ee Arsenal.

Kulankan ayaa mid gaar ah u ah Macallin Ole Gunnar Solskjaer isagoo caawa Man United hoggaamin doona kulankiisii 100-aad.

Maadaama uu caawa Tababare Ole Gunnar Solskjaer hoggaamin doono kulankiisii 100-aad ee Kooxda Manchester United imise guulo ah ayuu haystaa?

99-kulan oo uu Tababare Ole Gunnar Solskjaer maamulay kooxda Manchester United waxa uu guulo la gaaray 55 kulan oo ka mid ah kulammadaas.

Kooxdu muddadaas 99-kulan waxa ay barbaro gashay 21 kulan, halka laga adkaaday 23 kulan.

Macallinka reer Norway ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa rajaynaya in kulankiisii 100-aad ee uu hoggaamiyo kooxda Man United uu guul caawa garoonka Old Trafford kaga gaarto Arsenal oo aan garoonkaas ku soo adkaan kulan horyaalka ah tan iyo bishii September sanadkii 2006.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close