Real Madrid oo guul ay u qalantay garoonkeeda Alfredo Di Stefano kaga gaartay kooxda SD Huesca… +SAWIRRO

(Madrid) 31 Okt 2020. Real Madrid ayaa guul ay u qalantay ka gaartay kooxda SD Huesca, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid

Daqiiqadii 40-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Eden Hazard. kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Federico Valverde.

Daqiiqadii 45-aad Karim Benzema ayaa dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Lucas Vazquez.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 54-aad kooxda Real Madrid ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta, kaddib markii uu Federico Valverde ka dhigay dheesha 3-0, kaddib markii uuu goolkan ka caawiyay Karim Benzema.

Laakiin daqiiqadii 79-aad kooxda SD Huesca ayaa la timid gool, waxaana u saxiixay xiddigooda David Ferreiro.

90 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Karim Benzema ayaa ka dhigay 4-1 ay ku hoggaamineysay naadiga Real Madrid.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 4-1 ay kaga adkaatay Real Madrid kooxda SD Huesca oo marti ugu aheyd garoonka Alfredo Di Stefano.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close